Weel caanihii lagadhamoo canugu heemaarshay
Oo ciida loo dhigay afkii laga cashay naayay
Oo dhayi caadaa ka tahay waa cajabe sheega
Ceesaama kuu dhalay riyo aan dhiila loo culanin
Oon dhay casuusleh iyo garoor carafleh waayaynin
Aan naaso cayntood lahayn waa cajabe sheega
Cir onkoday hilaac laga cabsaday karar cabaadaysa
Oon rays cirbaha laga dhigayn waa cajabe sheega

  • jawaabta halxidhaalahaSayid Maxamed C. Xassan 1