Weel caanihii laga dhamoo canugu heemaarshay
Oo ciida loo dhigay afkii laga cashaynaayay
Oo dhayi caadaa ka tahay waa cajab ilaahe
Cid hadaad u baantee na tiri cara e yaa sheega
Candha weeye oo waa aqaan caynka ay tahaye
Adse hadaad ciniin tahay maxaa canugu kaa dheefi
Ceesaamo kuu dhalay riya aan dhiila loo culanin
Oon dhay casuusliyo garoor carafleh waayaynin
Aan naaso cayntood lahayn waa cod aan jirine
Caynkaa waxaad mooday waa calfki beereede
War ceesaan miyay tahay maxaa calaga kaa yeelay
Onkod iyo hilaac laga cabsado karar cabaadaysa
Oon rays cirbaha laga dhigayn waa cajab ilaahe
Isagaa calaamiyo lahaa ciiro iyo qiiqe
Waa maarahaan kugu cuskaday dirirti cawbaade
Dhiigii carrada qooyay waa cadar di'iisiiye
Maxaadse aad u tiri rays cagtiyo ciribta maan saarin