CABDIQADIR XIRSI YAM YAM

Godkii aakhiree lagugu riday jeer uun baan galiye
Naxariis gu'wayn baan barbiga kuu galiisadaye
Aw yuusuf gabaygii ahaa guur aan ka la'aado
Gabdhihii markaa joogay eed diiday gogoshooda
Gafafkiyo tilmaamihi cadaa eed ku gali wayday
Hadaad maanta goob joogilayd kama gidaadeene
Geeraarka adigoon maqlayn kaagi garabyaala
Cimriga iyo gabdhaha aan wakhtiga kan isku soo gaadhnay
Aniguna intaan uga gabaday geed aan ka iraahdo
Gablan iyo inaan ubad dhalaa way ii gudboon tahaye
Madaxayga guudkaad cirrada galayax moodaaye
Gabowgii waxaa iiga haray dhowr guyoo kala e
Guumayska waxa iga dhigay oo doobka igu gaaxshay
Een dumarka qaar uga gabaday geed aan ka iraahdo
Guduud iyo adoon qurux xulayn gaari aad xulatay
Bari hore gayaan iyo kufbaa wada gudboonaaye

Geelna midii qaayibtaa loo gunayn jiraye
Caadadadii lagooyaaba waa geeri iyo ceebe
Guudkii dabnaa iyo tintii gadafka aad mooday
Ee guur ninkii doonayaa muuqa garanaayay
Garoob iyo midii aan laguri gaysan
Gambooleey haday wada noqdeen guur aan ka la'aado
Gaabsiga xishoodkiyo midaan edebtu soo gaadhin
Ee maro guntiinaysatee gibilka qaar muuqdo
Goobatada habeenkii gudee goor walba aan joogsan
Jasiiriyo midaan jimcaha geedka laga waayin
Ee inarag kii gini wataa laaca gacanteeda
Marna tii aan gaagixin hadii gacanta gorofka loo qaado
Intay gaari iga raaci layd guur aan ka la'aado

Geerishkiyo midii xeer taqaan qaadka gurigiisa
Gogoshiyo falaasyada midii kala dhexgawdiida
Ee jaa ifada loo guree lagu habeen guuro
Intay galab rag ii keeni layd guur aan ka la'aado
Garab rarato meel kuma gabada guura bahaleeya
Sidii igar gandaalkeed lasido guri ku gaafmeera
Gurashada sigaarkiyo shaxaad geeswalba u baydha
Markaa goo go' kii siinayaa gacalsatee raaca
Waabaayaday gurubsataa guur aan ka la'aado
Ta cidiyaha aan gurin tintana gaabisee madhisa
Goodaada dheer dheer aan cunin dheefta gurigooda
Gidaarada habeenkoo badhtagay wiil garbaha haysta
Gorayada surwaalkale midaan guux u garan waayin
Xidinxiitadaa aan gam'ayn guur aan ka la'aado
Gunuusbadan had iyo jeer gurxama dariska guul guula
Garbaqaawan wiil baar gashada gogol maloodoona
Gagabsiga yar mooyee kolnaba guurka maxusuusta
Ta aqoonta loo gada baree garsho loo yeelo
Cilmiga asaageedu gayo tii la garansiiyo
Hadii ay quraarado gashoo gaalo la ciyaarto
Gablan bay adoogeed ka tahay laguma goohaane
Caro waalid bay galbsatee guur aan ka la'aado

Garoob maale oo dhawrsacaad waabka soo galisay
Oo guri cariishiyo dukaan ganacsatee haysa
Caanaha garoorka ah ninkay galin dhaxaad siiso
Noloshiisa anigow garlay guul ka dhigataaye
Intii lay guhaadin lahaa guur aan ka la'aado
Mida guursatee gurigaleh gabanadii tuurta
Ee baladka gaash gaashisee gaatif soconaysa
Ee goor qaboona ah baxdee gododka fiid meerta
Intay ubadka gaasiri lahayd guur aan ka la'aado
Ta jacaylka gaadada u furan meel walbaba gaysa
Ee dhawrnin guubaabisee laxawga gaarsiisa
Adaan gooni kuu ahay waxay kugu garaacdaaba
Markaad labada daarood gaftay kaa xamaan gurane
Dumaashiday intaan gocan lahaa guur aan ka la'aado
Gudoonkaygi goortaan intaa gacan tubaaleeyay
Oon waliba soo gaabiyoon qaar u gali waayay
Gogol iyo sariir aan lahayn gaari raaliya ah
Inaan galan galceeyaa maxaa kula gudboonaan lahaa
tainba waa goore

Gabaygan waxaa tiriyay Cabdiqadir Xirsi Yam Yam

You are the visitor 1