Sida geel hilaac baxay
Hoodiyo danood helay
Oo horseed u maqan yahay
Higsanaaya goor wacan
Hiyigiyo naftaydii
Adaa bebed ka dhigayoo
Hilbahaygi saafoo
Haween iiga laacee
Waxa kugu haboonaa istarey
Adoo xaafadii hodan
Jidka fooqa hoosmara
Hareerihiisa ubaxa leh
Habeen ciida ay tahay
Adigoo hidaha xiran
Hudheelkii taleexbaan
Heedhe kugu casuumaa
Hal irmaan sidig iyo
Haleel aad ku maashaa
Dhaliyara hobshaysiyo
Hablo kuu ciyaaraan istarey
You are the visitor