
Somali
Archive / The Somaliland Page
Somali
Forum
Somali and (2000)
Somaliland
Somali-links
Somalia
City Net
Somalia
Country Profile
SomaliNet
Somali
Online
Somalia
LinkPage
Somalia
Page (University of Indiana)
Somali
Electronic Journal
Somalialand
CyberSpace
Somaliland
on the web
Waaberi
Somali Cultural Homepage
Newsgroups & chat
Somalia
CyberSpace
Slamic Page
Excite
Travel: Somalia
Somalia sports DK
Business and Turesimo DK
Somali
Business ExchangeSomali
Inter


|
Bogga ciyaaraha somaliyeed
Bogaan waxaan ugu tala galney bahweynta Somaliyeed ee xiiseysa ciyaaraha iney ka helaan sawiro badan oo ku saabsan cayaartooydii wadankeena , waxaana ka mid ah:-

Waa Xiddigihii Naadigii Jeenyo Wiilal iyo Gabdhabo sanadkii 1988 . eyna ka maqan yahiin ciyaaryahan C/ xalwo iyo C/qaadir Bini
Taareekhdii Ciyaaryahanka somaaliyeed
Dadweynaha Soomaaliyeed ee xiiseeya isboortiga gaar ahaan kubada kollayga,ayaanu waxaan maanta ku soo qaadanay qoraal yar oo ka daleeysa Taariikhdii ciyaaryahan C/qaadir Haji Daahir (Shiikha) oo ahaa mucjisadii kubada kollayga ee qaarada Afrika iyo Soomaaliyaaba Sababtoo ah waxaa u qiimeeyey Xeriirka isboortiga ee afrika iyo wadamada carabta Sanadkii (1987)Hadaba Sheekha waxuu maanta ku nool yahay Dalkaasi Mareeykanka. Isaga iyo dhalinyaro kalee oo isboortiga soomaaliyeed Caan ku aah waxaana ka mid ah:-Tababare Abdi dheere (jeenyo),Tab.Tuke(gadiidka iyo Qarankaba)Isaaq dheere , Jaamac dheere,Ahmed tuke, Guuleed Yarre, Aadaa, Dhame,dhabaryare,Abdi halwo iyo kuwo kale oo badan. Hadaba waxaan jeclahay inaan idiin soo gudbiyo taareekhdii Cayaaryahan Sheekha Iyadoo Dhameeytiran , sida ugu dhaqsaha Badan,

halkaan waxaa idinku soo gudbinayaa taariikhdii Ciyaaryahan SHEEKHA
Wareysigaan oo aan ka soo xigsaney Somalinet web sidaan buu u dhacay:-
C/qaadir Hagi daahir waxa uu Ku dhashay: Muqdisho, Degmada Cabdulcaziz sanadku markuu ahaa 1962-dii.
Waxbarashada: Dugsi Sare.
Cayaaraha: wuxuu cayaaraha ka gaaray heerk xulka qaranka. Wuxuu ahaa cayaartooyga ugu taagerayaal badan, wuxuu aad ugu caan baxay tuurashada dheer ee 3-da dhibcood, waxaa aad u jeclaa dadka, cayaartooyda iyo tababarayasha wuxuu ahaa nin degen, dabeecad fiican, saaxiibo badan leh, bahda sportiskuna aad ayay u qadarin jireen. Somalinet u suuro gashay inay la kulmaan Shiikha oo ay waraysi la yeeshaan.
SN: Yaa kugu dhiiro galiyay Cayaaraha?
Shiikha: Waxaa igu dhiiro galiyay: Caydaruus Maxamed Xaaji (Abba) iyo Maxamud Maxamed Ciise (Bicir). Waxaa kale oo igu dhiiro galiyay markaan ahaa Ubaxa degmooyinka Herbert Tobiyos oo ah Maraykanka Madow.
Markii aan ku biiray cayaaraha heerka kowaad waxaa qayb weyn ku lahaa inaan xidig noqdo Maaxi macallin Maxamud Allaha u naxariistee iyo Cabdiraxman Macalin Mahdi. SN: Sidee ku bilowday cayaaraha? Goormaadse bilowday?
Shiikha: waxaan cayaaraha bilaabay aniga oo aad u da’ yar. Sanadku markuu ahaa 1978-dii ayaan ka qayb galay tartankii Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxayna ahayd cayaartii ugu horaysay oo rasmi ah oo aan ka qayb galo, isla sanadkaas waxaan ka qayb galay tartankii dhalin yarada ee Koobka 15-ka May, waxaana galnay kaalinta kowaad. SN: Goormaad ku soo biirtay cayaaraha heerka kowaad?
Shiikha: waxaan ku soo biiray sandku markuu ahaa 1979-kii waqtigaas oo aan fursad u helay inaan u cayaaro Kooxda Kubada kolayga ee Badda. Ilaa iyo 1990-kiina waxaan ka tirsanaa cayaartooyda heerka kowaad ee Kubada Kolayga. SN: Waqtigii aad u cayaaraysay kooxda Badda guulihii ay kooxdu soo hoyisay maxaa ka mid ahaa?
Shiikha: waxaa ka mid ahaa:
1979-kii waxaan kaalinta kowaad ka galanay koobka General Da’ud.
1980-kii kaalinta kowaad ee horyaalka dalka.
1982-dii kaalinta kowaad ee General Da’ud
1982-dii kaalinta kowaad ee Horyaalka Kubadda Kolayga
1985-tii kaalinta kowaad ee Koobka General da’ud
1989-kii kaalinta kowaad ee koobka General Da’ud.
Waxay kaloo kooxdu ku guulaysatay koobab kale oo munaasabadeed. SN: Goormaad ku soo biirtay Xulka Qaranka?
Shiikha: waxaan fursad u helay inaan ku biiro Xulka Qaranka sanadku markuu ahaa 1983-dii ilaa iyo 1990-kiina waa ka tirsanaa. SN: Waqtigaas aad Xulaka ka tirsanayd wax ma ka xusuusan kartaa cayaarihii aad ka qayb gasheen?
Shiikha: waxaan ka qayb qaadanay cayaaro fara badan oo Caalami ah laguna qabtay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, waxaana kamid ahaa:
1983-dii tartankii wadamada Carabta oo lagu qabaty wadanka Urdun magaalada Camaan.
1985-tii Tartankii Cayaraha wadamada Islaamka ah oo lagu qabtay Boqortooyada Maroko magalada Kaasabalka.
1986-dii Is reebreebkii tartankii Wadamada Afrika oo lagu qabtay Somaliya (All African Games).
1987-dii Tartankii wadamada Africa oo lagu qabtay Nairobi, Kenya.
1986-dii Tartankii kooxaha Horyaalada Africa oo lagu qabtay Mozambique.
1989-kii Tartankii Ciyaaraha nabada & Saaxiibtinimada wadamada carbeed oo lagu qabtay Kuwait.
1990-kii tartankii is reeb-reebka wadamada Africa oo lagu qabtay Addid Ababa, Eithopia. SN: Caayarihii Caalamiga ahaa oo aad ka qayb gasheen yaa ka mid ahaa kooxii aad la cayaarteen?
Shiikha: Wwadama ay ka socdeen waxaa k amid ahaa: Urdun, Aljeriya, Yeman, Baxrayn, Suuriya, Sacuudi Arabia, Kuwait , Falastiin, Marooko, Indonisia, Mozambique, Kenya, Eithopia, Masar, Nayjeeriya, Jabuuti, Ivory Cost, Zimbabwi, Uganda, Tanzania iyo kuwa kale oo fara badan. SN: Waxaad cayaraha kubada kolayga ka gaartay heer aad u fiican, ma jiraan cayaar kugu reebay xusuus gaar ah?
Shiikha: waa jiraan, waxaa jiray cayaarihii Xidigaha oo waagii danbe noqday cayaarihii ugu qiimaha badnaa ee kolayga oo Somaliya lagu qaban jiray. 1986- dii tartankii xidigaha waxaan u safatay kooxda Goodir Star, waxaana galnay kaalinta labaad, cayartaas waxaa la ii aqoon saday ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa oo ka cayara horay (forward), sidoo kale cayaar yahankii ugu dhibcaha badnaa. 1988-diina waxaan u saftay kooxda Somali Arts, waxaana galnay kaalinta kowaad, waxaana sanad kaas isagana noqday cayaartooygii ugu fiicnaa iyo kii ugu dhib caha badnaaba, waxaan kaloo ku guulaystay tuurashada dheer (3 points).
Cayaarta aan marna maskaxdayda ka baxayn oo xusuusta goonida ah igu reebtay waxay ahayd, 1986-dii cayaartii kooxdeena kubada kolayga ee qaranku ay ka badisay kooxda qaranka ee Masar.
Shiikha, maadama aad mudo badan aad u soo dheeshay naadiga badda magacoow ciyaartooydii aad ugu jeclayd iney garbahaaga ka muuqdaan
waxaa ka mid ahaa runtii Nuuradiin,warsame dheere,ciro,shiimad,baashi dheere,xuseen,cabdi yare,(kamooni iyo muuse alaha u naxariistee).
comming soon after some days |

Cabdi Bille Cabdi
sawirkaan waxuu tusaale u yahay, doorka weyn ee somalida ka qaadatay tartamada aduunka ee ciyaaraha fudud,
dhowaan waxaa nooga qeyb galay saddex ciyaartooy tartankii olampiga ee sidny ee dalkaasi australia.


Bogga Xayeeysiinta.
|